Latest News

Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Danjiraha Midawga Yurub

Hargeysa, July 14, 2020 (Haatuf) – Gudoomiyeyaasha Xisbiyada
Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Gudoomiyaha
xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa kulan la qaatay Danjiraha Midowga
Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Berlanga.

Kulankan oo ka dhacay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagaga
wada hadlay siday u qabsoomayaan doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha
Deegaanka iyo Wakiilada, iyo miisaaniyadda doorashooyinka iyo kaalmada
Somaliland beesha caalamku siiso ee dhinaca horumarinta, sida lagu sheegay
Qoraal kooban oo uu Twitter-ka soo dhigay Gudoomiyaha xisbiga Waddani
Cabdiraxmaan Ciro.

Bishan July 12-keedii ayay ahayd markii hoggaanka saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ay kala saxeexday heshiis rasmi ah oo ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee sannadka 2020-ka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial