Latest News

Somaliland: Laba Wasiir Oo COVID-19 Laga Helay

Hargeysa, June 2, 2020 (Haatuf) – Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in laba xubnood oo kamid ah golaha wasiirrada Somaliland laga helay xanuunka Coronavirus oo hadda aad ugusii fidaya Somaliland.

Wasaaradda caafimaadka Somaliland waxa ay intaasi ku dartay in labada Wasiir ee laga helay Coronavirus ay xaaladdoodu aad u wanaagaantahay.

Maxamed Axmed Cawad oo ah wasiirka wasaaradda maal-gashiga Somaliland ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bogga Twitter-ka ayaa waxa uu ku xaqiijiyay in baadhitaan lagu sameeyay laga helay COVID-19, xaaladdiisuna ay hadda wanaagsan tahay.

“Waxaan sameeyay baadhitaanka caabuqa covid19, jawaabtuna posative ayeey noqotay, xaaladeydu way fiicantahay, wax xanuun ah oo aan dareemayana ma jiro” Wasiir Maxamed Axmed Cawad ayaa ku qoray Twitter-kiisa.

Maalmahii ugu dembeeyay xanuunka COVID-19 ayaa aad ugu baahayay Somaliland, iyadoo dad badanna uu soo ritay, balse wasaaradda caafimaadka ayaa wadda dadaallo lagu xakameynayo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*