Latest News

Xukuumada Ethiopia Oo Mudo Kordhin Loo Sameeyey Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka DDS Oo Loo Doortay Gudoomiyaha Golaha Sare

Addis Ababa, June 10, 2020 (Haatuf) – Madaxweyne ku
Xigeenka Dawladd Deegaanka Soomaalida, mudane Aadan Faarax ayaa maanta loo
doortay gudoomiyaha Golaha Sare ee Federaalka Ethiopia.

Xilkan loo doortay Mr. Aadan Faarax ayay dhawaan iska casishay haweenay la yidhaa Qeeriya Ibraahim oo sababta is-casilaadeeda ku sheegtay inay saluugtay siyaasadda Raysal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Dhinaca kale Aqalka Sare ee Baarlamanka Ethiopia ayaa
Muddo kordhin xileed u Sameeyay xukuumadda iyo golaha shacabka ee Federaalka
Ethiopia, waxaa sidoo kale xilka loo kordhiyay dhammaan Baarlamaanada iyo
Xukuumadaha ka taliya ismaamulada ka jira dalka Ethiopia oo dhan.
Xubnaha Golaha Sare ayaa u codeeyay in goleyaashaasi ay xilka sii hayaan inta
la qabanayo doorashooyinka soo socda oo qorshaysan inay qabsoomaan 9 ilaa 12
bilood gudahood.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial