Latest News

Xukuumada Somaliland Oo Sheegtay In Xisbiga WADDANI Xagal Daac La Daba Socdo Qabsoomidda Doorashooyinka

Hargeysa, (Haatuf) – Afhayeenka madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa ka hadlay
dhawaaq kasoo yeedhay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kaas oo
salka ku hayey eedo uu u jeediyey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi.

Afhayeen Maxamuud Warsame Jaamac oo maanta saxaafadda la
hadlay, ayaa eedaha uu soo jeediyey guddoomiyaha WADDANI ku tilmaamay kuwo aan
sal lahayn, islamarkaana uu kaga gabbanayo xagal-daaca iyo dibin-daabyada uu
xisbigaasi ku hayo qabsoomidda doorashooyinka dalka kusoo foolka leh ee
madaxweynaha iyo xukuumaddiisu ku foogan tahay qabashadeeda, isaga oo ku
eedeeyey guddoomiyaha WADDANI inuu shuruucda xulista xubnaha Komishanka
doorashooyinka iska indho tirayo, waxana uu yidhi, “Nuxurka hadalkii guddoomiye
Cirro waxa uu daarranaa ka-maagis uu guddoomiyuhu ka maagayo in dalka ay
doorasho ka qabsoonto iyo in doorashooyinku ay socdaan, marka koowaad sharciga
iyo arrimaha doorashada ayuu aad ugu dheeraaday, dooddiisa doorashaduna waxa ay
ahayd mid aad u jaban, sababtoo ah xeerka doorashada Xeer No/20/2001,
qodobkiisa 13-aad waxa uu si cad u qeexayaa shuruudaha iyo waddada loo marayo
xulista xubnaha Komishanka, guddoomiyuhuna wuu yaqaannaa, laakiin wuu iska
indho tirayaa.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu caddeeyey in
madaxweynaha iyo xukuumaddiisu mar walba diyaar u yihiin inay doorashooyinku ku
qabsoomaan waqtigoodii oo aanay baaqannin,“Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi
Cabdi waxa ka go’an oo ay geed dheer iyo mid gaabanba ugu taagan tahay in
doorashadii xilligeedii lagu galo oo ay inoo dhacdo oo ay qabsoonto oo aanay
inaga baaqan, shacabka Somaliland-na waxa ay diyaar u yihiin inay doorashooyinka
galaan, dawladduna waxa ay dedaal cad ugu jirtaa diyaarinta doorashooyinka,”
ayuu yidhi Afhayeen Maxamuud Warsame Jaamac.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial