Latest News

Xulka Daad-Madheedh Oo Ku Guulaystay Koobka Gobolada Jamhuuriyada Somaliland

Hargeysa, November 17, 2020 (Haatufonline) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa koobkii Gobolada Somaliland ee tartanka Ciyaaraha gudoonsiiyey xulka gobolka Daad-Madheedh oo maanta Gobolka Maroodi Jeex kaga guulaystay 2 Gool iyo Hal.

Labada Xul ee Daad-Madheedh iyo Maroodi-Jeex ayay ciyaar xiiso leh ku dhexmartay Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium waxaanay guushu Raacday Xulka Daad Madheedh oo sidaasi ku noqday Horyaalka Gobolada Jamhuuriyada Somaliland ee Kubadda Cagta, waxaana Koobka Gudoonsiiyey Madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Waxa uu gudoonsiiyey Ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa Cabdikariin Guji oo gobolka Maroodi Jeex u ciyaaraha.

Halka Kabtankii ugu fiicnaa uu noqday Cabdikariin Axmmed oo ka tiran xulka gobolka Xaysimmmo.

Goolhayihii ugu wanaagsanaa ayaa waxa noqday Goolhayihii Gobolka Sool Lambasa.

Halka Ciyaaryahankii ugu Gool dhalinta badnaa uu noqday Carabayto oo ka tirsan Daad-madheedh.

Dhinaca kale Tababarihii ugu fiicnaa waxa noqday Diridhaba oo ah Tababaraha Daad-Madheedh.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*