Latest News

Xulka Gobolka Hawd Oo Gool Ku Laag (Rigoorayaal) Kaga Badiyey Badhan

Hargeysa, November 8, 2020 (Haatufonline) – Xulalka Gobolka Hawd iyo Badhan ayaa iskaga horyimid ciyaar xiiso leh oo ka tirsan Simi-Final, Koobka Gobolada Jamhuuriyada Somaliland, oo ka socda Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium.

Qaybtii hore ee ciyaarta markii ay gabogabo ku sii dhaweyd 43 daqiiqo ayaa khalad ay galeen Xulka Gobolka Badhan waxa gobolka Hawd loo dhigay Gool ku laag ama Record, kaas oo uu u laagay ciyaaryahanka Aamiin Xirsi oo lambarka 7aad u sita xulka gobolka Hawd. Hase yeesheee Ciyaar yahan Aamiin Xirsi Ayaan dhalin goolkaasi oo kadib mmarkii uu birta ku dhuftay kana difaaceen ciyaargahanada gobolka Badhan.

Hase yeeshee markii qaybtii dambe ee ciyaarta la bilaabay ayaa kabtanka xulka Badhan oo magaciisa la yidhaa Baxwal ayaa u saxeexay goolkiisii 1aad gobolkiisa. Balse xulka gobolka Hawd oo sameeyey Badalkii u horeeyey oo la badalay ciyaaryahankii cunay Gool ku laaga 1aad ee 90 daqiiqo ee u horeeyey ayaa markii ciyaartu ay maraysay 77 daqiiqo, waxa u suuragashay in xulka Gobolka Hawd ay barbareeyaan gobolka Badhan, waxaanay ciyaartu 90-kii Daqiiqo ay ku dhamaadeen Hawd oo leh Hal Gool iyo Badhan oo leh Hal Gool.

Ciyaarta labada xul ayaa marba mark aka sii dambaysa sii kululaanaysay waxaana lagu daray ciyaarta labada Gobo lee Hawd iyo Badhan 30 daqiiqo oo dheeraad ah, balse wax goolal ah lama kala dhalin.

Waxa labada xul loo dhigay Rigoorayaal ama Gool ku laag ay markii dambe guushu ku raacday Gobolka Hawd 4 Gool iyo 3 Gool oo badhan ah, waxaana Gobolka Hawd uu sidaasi ugu gudbay Simi-Finalka Ciyaaraha Gobolada Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*