Latest News

Xulka Gobolka Maroodi-Jeex Oo 2 Iyo 1 Kaga Badiyey Awdal, Una Gudbay Wareega Afar Dhamaadka

Hargeysa, November 9, 2020 (Haatufonline) – Ciyaar kulul ayay Xulalka Gobolka Maroodi-jeex iyo Awdal ay iskaga hor-yimaadeen Koobka Gobolada Jamhuuriyada Somaliland, oo ka socda Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium oo loogu soo baxayey Wareega Afar Dhamaadka (Simi-final) ayaa qaybtii hore ay Goolkii 1aad ay ku horeeyeen Gobolka Maroodi-Jeex oo uu dhaliyey Ciyaaryahanka Guuleed Kayse.

Hase yeeshee markii dambe ee qaybta labaad lagu soo noqday ayaa xulka gobolka Awdal ay dhaliyeen goolkii barbar dhaca ahaa oo uu u dhaliyey Ciyaaryahanka Culusow ee gobolka Awdal.

Ciyaartan oo garoonka Hargeysa Stadium ay soo buuxdhaafiyeen Mucaashaqiinta Kubadda Cagta ee kala taageersanaa labada Xul ee gobolada Awdal iyo Maroodi-jeex.

Intii ciyaartu socotay waxa uu dhaawac soo gaadhay Goolhayihii 1aad ee gobolak Awdal oo ciyaarta ka baxay, halka Gobolka Maroodi-jeexna uciyaaryahanaka daafaca uu dhaawac ku yimid oo uu ciyaarta ka baxay.

Ciyaartu markii ay gabogabo ku dhaway ayaa gobolka Maroodi-jeex waxa u suuragashay in goolkii 2aad ay ka dhalinyaan gobolka Awdal oo uu dhaliyey Cabdikariin Guji, inkastoo ciyaarta lagu daray 7-daqiiqo oo dheeraad ah hadana umay suuragalin gobolka Awdal inay wax gool ah ay dhashadaan, waxaanay ciyaartu ku dhamaatay 2 iyo 1 gool oo ay Maroodi-jeex ku badiyeen, uguna soo baxeen Simi-finalka Ciyaaraha Gobolada Somaliland.

Mmaalintii shalay waxa iyaguna Simi-finalka usoo baxay Gobolka Hawd kadib markii ay Rigoorayaal kaga badiyeen xulka Gobolka Badhan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*