Latest News

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka

Garoowe, October 7, 2019 (W.wararka) – Xildhibaanadda
Baarlamaanka maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa goordhawayd xilkii
ka qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka aqalkaasi C/xakiin Dhoobo Daareed, kaddib
mooshin ay ka keeneen xildhibaano taabacsan madaxwaynaha maamulkaasi Mr Deni.

Kal-Fadhi ay saaka ku yeesheen Xildhibaanadaasi
xarunta Baarlamaanka ee Puntland ayaa waxaa ka soo xaadiray 53 Xildhibaan,
iyadoo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka 1aad.

Iyadoo ay 49 Xildhibaan ay ansixiyeen oo ay u
codeeyay mooshinka xil ka qaadista guddoomiyaha, halka 4 Xildhibaan ay ka
aamustay, iyadoo tani ka dhigan tahay in sidaas xilka lagaga xayuubiyay Guddoomiyihii
Baarlamaanka maamulkaasi C/xakiin Dhoobo Daareed.

Dhinaca kale mooshinkan ayaa kusoo beegmaya xili
habeenimadii xalay ay xarunta baarlamaanka dagaal dhimasho dhaawac sababay uu
ku dhexmaray ciidamo ka amarqaadanaya madaxtooyadda Puntland iyo ilaalada
guddoomiyaha xilka laga xayuubiyey ee baarlamaanka.

Wixii kasoo kordha kala soco HAATUFONLINE.

Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial