Gantaal Xuutiyiinta Ka Fakaday Oo Burburiyey Xaafad Dhan Oo Sanca Ku Taal
Haatufonline,May24,2025
Qarax wayn ayaa Khamiistii ka dhacay dalkaYaman kadib markii uu fashilmay hawlgal ay kooxda Xuutiyiin ku doonayeen inay gantaal ku ganaan dhinaca dalka Israel iyadoo uu gantaalki ku qarxay goobtii laga ridayey oo ahayd xaafad ku taala magaalada Sanca dhexdeeda,shilkaas oo ay ku dhinteen dad tiradoodu kor u dhaaftay 100 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 200 qof.
Qaraxan ayaa cuskuday hangaro hubka lagu kaydiiyo oo Xuutiyiintu leeyihiin oo dhulka hoostiisa ah kuna yaala xaafadda Khashmal Bakarah ee waqooyiga bari ee magaalada Sanca taasoo keentay in qaraxyadu iska daba dhacaan muddo laba saacadood ah oo halkasi ay ku burburaan ilaa 25 guri .
Ilo xogogaal u ah mandaqadda qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in hubka ku jiray hangarada ay ka mid ahaayeen gantaalada ridada dheer ee cirka loo rido iyo waliba maadadaha Sodium Nitrate iyo Potassium Nitrate ee qaraxyada laga sameeyo. Maleeshiyada Xuutiyiinta ayaa markiiba isku xeeray goobti iyo dhamaan xaafaddi qaraxu ka dhex dhacay iyadoo ay diideen wax soo gala iyo wax ka baxa. Waxa kale oo ay Xuutiyiintu qabqabteen dad ay ku eedeeyeen inay muqaalo ku saabsan qaraxa baahiyeen. Baraha bulshada ayaa Xuutiyiinta si cadho leh loogu cambaareeyey inay xarumo qarsoodi ah oo lagu kaydiyo hubka ka dhex samaystaan xaafadaha ay ku noolyihiin dadka rayidka iyadoo ay kaga gaashaamanayaan duqayan cirka kaga timaadda.
Leave a comment