Latest News

Waxgaradka Deegaanka Buuralayda Xamaas Ee Ceerigaabo Oo Iska Fogeeyey Dhalinyaro Falal Amni-Daro Ah Ku Baaqay.

Ceerigaabo, August 7, 2023 (Haatufonline) – Wax-garadka, Waayeelka iyo bulshada deegaanka buurlayda Xamaas ee degmada Ceerigaabo ayaa sheegay inaany jirin dad u dhashay deegaanka oo ku kacay falal wax u dhimaya Nabadgelyada.
Cidkasta oo ka hortimaàda nabadgelyada iyo Qaranimada Somaliland ay iyagu gacan bir ah ku qaban doonaan.
Chief Caaqil Aadan Jaamac Faarax ayaa sheegay in aanay deegaankooda ka jirin wax nabadgalyo daro ah, isla markaana dadka isku sawiray deegaankooda ee sheegtay inay yihiin jabhad ay ahaayeen dad 7 sanadood la joogay oo buurahooda dahabka ka fadhan jiray.
Cheif Caaqilku waxa uu ontaasi ku daray in aanay u dulqaadan doonin cid kasta oo xajiimaysa nabada deegaankooda gobolka Sanaag iyo Qarannimada Somaliland toona oo ay iayagu wax ka qaban doonaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*