14 Ka Mid Ahaa Wafdi Somalia U Dirtay Geneva Oo Min $30K Laga Qaaday Oo Tahriibay.

Haatufonline,June 11,2025
Afar Iyo toban qof oo ka mid ahaa wafdi balaadhan oo ay dawladda Somalia u dirtay dalka Switzerland si ay uga qaygalaan shir wayn oo caalamiya oo ay Hayadda Shaqada Aduunk (ILO) ku qabtay magaalada Geneva.
Somalia ayaa u dirtay shirkan wafdi ka kooban 25 qof oo uu hogaaminayey wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee Somalia Yuusuf Maxamad Aadan.
Hasayeeshee 14 ka mid ahaa xubnihii wafdigii Somalia ayaan shirkii kasoo daahirin oo tahriibay waxaana la aaminsanyahay inay ku dhuumanayaan Yurub dhexdeeda.
Warar lagu kalsoonyahay in xubnaha wafdiga ee goostay midkiiba laga qaaday lacag dhan $30,000 waxaana la aaminsanyahay in lacagtaasi ay ku dhacday jeebka masuuliin ka tirsan dawladda Somalia oo ku caanbaxday musumaasuqa iyo laaluushka.
Leave a comment