Latest News

Taliyihii Hubka Iyo Lacagta U Gudbinjiray Xuuthiga Oo Xalay Lagu Dilay Galbeedka Iran

Haatufonline,June 21,2025

Bahnaam Shaharyaari oo ahaa taliyahii dalka Iran u qaabilsanaa takuulaynta kooxda Xuutiyiinta ee reer Yaman ayaa xalay lagu dilay duqayn ay gaysteen ciidamada cirka ee Israel.

Sida warbaahinta Laga soo xigtay,duqayntan ayaa cuskatay Shaharyaari isagoo baabuur ku maraya jid ku yaala galbeedka dalka Iran. Shaharyaari oo ka tirsanaa saraakiisha Gaaska Al-qudus ayaa qaabilsanaa inuu Xuutiyiinta u gudbiyo hubka iyo lacagta ay Iran ugu deeqdo, waxaanu taakulaynta hubka u marin jiray xagga badda iyadoo inta badan uu adeegsan jiray doonyo yar yar oo soo gaadhsiiya dekadaha ay Xuutiyiintu maamulaan. Xagga lacgata,Taliye Behnaam Shaharyaari waxa uu Xuutiyiinta u marinjiray shabakado maaliyadeed oo iskugu jira bankiyo,xawaalado iyo sariflayaal la shaqeeya.

Dhinaca kale Maayirka magaalada Xayfa ee ku taalla Badda Midhitareeniyanka Yona Yahav ayaa ka cawday khasaare balaadhan oo dhaqaale oo ka dhashay dhawrkii jeer ee ay Iran duqaysay magaalada iyo warshadaha saliidda lagu sifeeyo ee halkaaso ku yaalla,kuwaasoo la sheegay inay haatan xidhmeen. Xayfa oo ku taalla waqooyiga Israel ayaa waxa ku yaala dekadda ugu wayn ee dalkaasi leeyahay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*