Latest News

“Waxaan Ugu Baaqayaa Dawladda UK Inay Si Rasmi Sh U Aqoonsato Qaranimada Somaliland” Xil. Gavin Williamson

Hargeysa, 26 June 2025 (Haatufonline) – Xildhibaan Gavin Willaimson oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Ingiriiska isla markaana taageera Madaxbanaanida Somaliland ayaa shacab Somaliland ku hambalyeeyey 65-guurada ka soo wareegtay 26-ka June 1960-kii oo Somaliland xornimada ka qaadatay boqortooyada Ingiriiska.Sidoo kale Xildhibaan Gavin waxa uu ugu baaqay UK inay aqoonsato dalkan dimuqraadiga ah ee mudo dheer nabada ku naaloonaya.”26-June waxay ku beegan tahay 65-guuradii ka soo wareegtay markii uu Ingiriisku xornimada siiyey Somaliland sannadkii 1960-kii, taasoo ah dhacdo taariikhi ah oo maanta si weyn uga muuqata Geeska Afrika. Waxa kale oo ay ina xasuusinaysaa xidhiidhka joogtada ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo UK, oo ah xidhiidh ku dhisan qiyam iyo taariikh wadaag. Tan iyo markii ay Somaliland si geesinimo leh ula soo noqotay gooni-isu-taagga 1991-kii, waxay ilaashatay nabadda, waxay qabatay doorashooyin xor ah, waxay dhistay hay’ado xooggan, kuwaas oo dhammaantood calaamad u ah maqaamkeeda inay tahay bulsho xasilloon, dimuqraadi ah oo u qalanta aqoonsi caalami ah. Waxaan si adag u taageersanahay xaqa ay Somaliland u leedahay aqoonsiga. Waxaan ugu baaqayaa dawladda UK inay ixtiraamto dhaxalkan inagoo si rasmi ah u aqoonsan qaranimada Somaliland, isla markaana la ixtiraamo xidhiidhka taariikhiga ah ee u dhexeeya ummaddeena, kana tarjumaysa qiyamka aynu wadaagno ee dimuqraadiyadda, sharciga.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*