Ugu Yaraan Laba Qof Oo Ku Dhintay Shaqaaqo Ka Dhacday Agabar
Gabiley, July 2, 2025 (Haatufonline) – Wararka ka imanaya deegaanka Agabar ayaa sheegaya in halkaasi ay Shaqaaqo ku dhexmartay dadka Deegaanka iyo Ciidamo Boolis ah.Shaqaaqadan ayaa waxa ku dhintay laba qof oo rayid ah, halka laba qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.Isku dhacan dadka deegaanka iyo ciidanka booliska ayay wararku sheegayaan inuu salka ku hayo khilaaf ka dhashay Buur ku taala deegaanka agabar oo Dahab laga helay, halkaas oo ay xukuumadu gacanta u galisay shirkado dahabka ka qota, talaabadaasi oo ay dadka deegaankuna ka soo horjeesteen.Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Xukuumada oo ku saabsan shaqaaqadaasi khasaaruhubka dhashay.
Leave a comment