Latest News

Xuutiyiinta Iyo Wuxu Daaranyahay Qorshahooda Isku Balaadhinta Xeebaha Bariga Afrika

Haatufonline,July 6,2025Iskaashiga u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo Alshabaab wuxu dhaafay tuhunkii labadooda la isku xaman jiray iyadoo ay soo shaacbaxeen caydamo muujinayaa in labada koxood ay dhab ahaan iska kaashadaan dhinacyada tahriibta iyo iibka hubka iyo ka ganacsiga badeecadaha kontrobaanka iyo daroogadaba.Faaiidada xuutiyiintu ku qabaan iskaashigan :(1) Inay xeebaha bariga Afrika ka helaan khad sugan oo ay soo marsadaan hubka Iran uga yimaadda gaar ahaan gantaalada ridada dheer (Ballistic iyo Cruise Missiles) iyo diyaradaha aan duuliyaha la hayn(Combat & Recconaisance Drones) iyo alaabooyinka teknaloojiyada ku shaqeeya ee ay Shiinaha kasoo iibsadaan.Inkastoo Yaman la saaray xayiraad hubka ah hadana Iran waxay Xuutiyiinta taakulaynta inta badan usoo marin jirtay biyaha Gacanka Cumaan ilaa xeebaha Koonfurta Yaman halkaas oo ay kala wareegi jireen tahriibleyaal ku xidhan kooxda lagu magacaabo Alqaacidada Jaziiradda Carabta(AQAP) si loo gaadhsiiyo Xuutiyìinta. Waxa seh dhici jirtay in taakulayntaasi u gacan gasho ciidamada badda ee dawladaha reer Galbeedka ee ku sugan biyaha geyigaasi.Hadaba mudooyinkan dambe maraakiibtab iyo doonyaha waawayn ee taakulaynta u sida Xuutiyiinta waxa laga leexiyey khadkii hore waxaanay toos ugu soo ambabaxaan xagga Badwanta Hindiya iyadoo ay kasoo jiireeyaan meelo ku beegan xeebaha Tanzania ama Kenya ilaa ay soo gaadhayaan biyaha ku dhaw xeebaha cidlada ah ee Somalia ee Alshabaabku ku suganyihiin halkaas oo wixii ay sideen ku rogaan doonyo yar yar oo gaadhsiiya dekadaha Xuutiyiintu maamulaan.(2) Dhinaca kale khadkani wuxu Xuutiyiinta u fududaynayaa inay dalalka ku teedsan xeebaha bariga Afrika ku qarqiyaan alaabooyinka kontarabaanka ah oo ay ka midiyihiin hubka iyo daroogaduba.(3)Xuutiyiintu waxa kale oo ku-talo-galkooda ka mid ah in hadiiba quwadaha waawyni isku dayaan inay u itaal sheegtaan oo culays saaraan ay iyaguna ka hilaacaan Badwaynta Hindiya oo ay xeebaha Somalia kasii samaystaan baro ay kaga duuli karaan maraakiibta marta Badwaynta Hindiya.Faaiidada kasoo gasha abbaanimada iyo rasaasta iyo hubka fudud ee ay Xuutiyiinta ka helaan ka sakow ,Alshabaab waxay quudaraynaysa inay Xuutiyiintu siiyaan gantaalaha liidka ditaaradaha SAM 7 ee garabka laga rido iyo diyaaradaha dagaalka een duuliyaha lahayn,hoobiyeyaal , baaruudda qaraxyada laga sameeyo,isgaadhsiin casriya iyo tababar xirfadeed,waxaana jira waxyaabo arimahaasi durtaba uga hirgalay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*