Madaxweynaha Puntland Oo Khaatumo Uga Digay Faragalinta Gobolka Sanaag.
Garoowe, July 7, 2025 (Haatufonline) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa ugu baaqay kooxda Khaatumo ee ka arimisa magaalada Laascaanood inay faraha kala baxaan gobolka Sanaag, halkoodana ay ku ekaadaan.“SSC Mar baad il duufteen oo la idinka aamusay, Gobolka Sanaag wax ka dhacday Doorashadii Puntland, dadka Deegaankaasi Waxa ay ku heshiiyeen in Maamulka ay dhisteen ay ilaashaadaan. Haddii aad Idinku goosateen in aad Maamul samaysataan, halkiina ku eekaada, haddiise aad Halkaas ka Xad gudubtaan, wax aan anagana na mudnayn, Idinkuna aydaan mutaysan ayay arrintu isu bedelaysaa” Madaxweyne Siciid Deni.
Leave a comment