Latest News

Xuutiyiinta Oo Saacado Gudahood 2 Markab Ku Weeraray Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Haatufonline,July 8,2025

Sadex ka mid ah shaqaalihii markabka lagu magacaabo Eternity C oo laga leeyahay dalka Giriigga ayaa ku dhintay weerar ay Xuutiyiintu kusoo qaadeen markabkaasi Isniintii shalay,halka ugu yaraan laba kalena ku dhaawacmeen.
Weerarkan oo ka dhacay biyaha Badda Cas ee ku beegan dalka Yaman ayaa waxay Xuutiyiintu u adeegsadeen hub iskugu jira doonyaha dheereeya ee iskood u qarxa iyo gantaalaha laga rido qoryaha baasuukaha.
Xuutiyiintu waxay weerarkan qaadeen iyadoo ay saacado uun kasoo wareegeen hawlgalkii ay Axaddi ku weerareen markab kale oo lagu magacaabo Magic Seas kasoo dheegiisii ay biyihii soo galeen oo hadda la sheegay inuu ku dhawyahay inuu wada qaraqmo.
Shaqaalihii Magic Seas oo 22 ahaa ayaa iskaga cararay oo ka daatay markabka, waxaana badbaadiyey markab kale oo badda marayey oo Imaaraatku leeyihiin kaasoo soo gaadhsiiyey Djibouti iyagoo bad qaba.
Hasa yeeshee wali lama hayo warar dheeraad ah oo ku saabsan halkay ku dambeeyeen shaqaalihii Eternity C.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*