Ganacsatada Waaweyn Ee Somaliland Oo Leh Gaadiidka Dekeda Berbera Shixnadaha Ka Soo Rara Oo Ku Hanjabay Shaqo Joojin.
Berbera, July 14, 2025 (Haatufonline) -Ganacsatada waawayn ee Somaliland ee gaadiidka leh ayaa ku hanjabay inay shaqo joojin ka samayn doonaan dekedda Berbera kadib markii uu maanta ku Amray wasiirka Wasaaradda Gaadiidku inay gaadhi kasta oo dekedda alaab ka soo qaadaa uu siiyo shirkad ay samaysteen kooxo magaca xukuumadda ku booba dalka oo la baxay shirkad la yidhaa Horm Corridor Bussiness Solution (H.C.B.S) taasoo loo samaystay inay macaash malaayijn Doolar ah ka samaysato gaadiidlayda.Hore waxa gaadiidka Daabulka qaada u maamuli jirtay shirkad la odhan jirayTawfiiq balse imika kooxdan isku xidhan ayaa u muuqata inay meesha ka saartay, waxaana dhawr jeer oo hore la baajiyey damaca ay lacagtaas ku qaadanayaan, hase yeeshee kulan Ganacsatada iyo wasiirku yeesheen ayuu maanta ku amray inaanay gali karin dekedda illaa ay lacagtaas siiyaan shirkaddan oo u muuqata inuu wasiirku qayb ka yahay.Ganacsatada ayaa sida ay ilo xogogaal ahi noo sheegeen cabasho ugu tagay Wasirka Maaliyadda iyo maamulka dekedda Berbera, waxaanay labaduba u sheegeen inaanay waxba ma ogayn go’aankaas wasiirku ku amrayo inay shirkaddaas lacagta kontonka Doolar ah siiyaan.Ganacsatada ayaa kulan dambe ka yeeshay talaabada wasiirku ku dhawaaqay waxaanay isla qaateen inay shaqo joojin ku sameeyaan Dekedda Berbera oo ay alaabaha ugu badan kala soo dagaan, iyagoo ku hanjabay haddii wax laga qaban waayo inay dekedaha kale alaabahooda kala dagi doonaan.Cabashooyinka ugu waawayn ee ganacsatadu ka qabto in gaadiidkooda laga joojiyo dekedda ayaa ah inaanay kalsooni ku qabon bad qabka badeecadahooda iyo inay maamul ahaan shirkadahoodu dhaqaale ahaan aanay ku tiirsanaan karin gaadiidka kale ee kiroolaha ah maadaama wax kastaa qaali ku yihiin gaadiidlayda.Xukuumadda Somaliland ayaa u muuqata mid aan wada Socon marka laga eegayo go’aan qaadashada ku saabsan shaqooyinka ay wada leeyihiin, waxaana ka mid ah arrimaha ganacsiga oo saamayn ku leh wasaaraddo ay ka mid yihiin Ganacsiga iyo Maaliyadda kuwaas oo looga baahnaa inay tallo ku yeeshaan go’aankan ay wasaaradda Gaadiidku ku abuurayso kacdoon saamayn doona dakhliga maaliyadda iyo habsami usocodkii hawlaha Ganacsiga Dalka oo meel aad u hoosaysa maraya.
Leave a comment