Puntland Oo Xeebaheeda Ku Qabatay Markab Hub Sida.
Garoowe, July 18, 2025 (Haatufonline) – Wararka ka imanaya maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in Markab xamuul ah oo sida hub xoogan lagu qabtay xeebaha Puntland.Waxaanay wararku intaa ku darayaan in hubkani uu iskugu jiro noocyo kala duwan oo ay ku jiraan gaadiidka Gaashaman ee culus, Beebayaal casri ah oo aan horey Geeska Afrika loo keenin iyo shixnad nooc kasta leh oo hub ah ayaa saaran. Hubka saaran markabkan lagu qabtay xeebaha Puntland ayaa leh calaamadaha dawladda Turkiga, wuxuuna kusocday magaalada Muqdisho, kaas oo ay hadda gacanta kuhayaan ciidanka difaaca ee Puntland, gaar ahaan cutubka Badda ee PMPF.Dawladda Turkiga ayaa hub culus kudaabuleysay Koonfurta Somalia, bilihii u dambeeyey.Balse ma jiraan ilaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay Puntland iyo dawlada Somalia oo ku saabsan Markabkan la qabtay.
Leave a comment