Latest News

Ahlu Sunna Oo Ka Qaybgalay Dagaal Khasaare Lagu Gaadhsiiye Alshabaab

Haatufonline,July 20,2025

Dagaalyahanada Ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ayaa ka qaybgalay dagaal dhawaan ka dhacay deegaanka Xingaduud ee u dhaxeeya Camaara iyo Qod Qod kuwaasoo ku yaala gobolka Mudug ee Somalia iyadoo halkaas lagu dilay 11 ka mid ah xubnaha Alshabaab.Sida uu sheegay sarkaal dawladda Somalia u hadlay,waxa hawlgalkan iska kaashaday ciidanka Ahlu Sunnaha ee degmada Baxdo iyo Macawislayda deegaanka oo ay taageerayaan ciidamada dawladdu .Afhayeenku waxa kale oo uu intaas ku daray in horjooge ka tirsan Alshabaab oo la odhan jiray Ibraahim Cabdiraxmaan Sanbuur lagu khaarajiyey deegaanka Harboole ee Jubada Hoose kadib markii ay halkaas ka hawlgaleen ciidamada Kamaandowska ee Danab.Sida la sheegay ninkan oo Alshabaab u qaabilsanaa afduubka ayaa ku magac dheeraa Ibraahim Takey

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*