Latest News

“Waxaanu Ku Rajo Weynahay In Si Degdeg Ah Aanu Umada Ugu Soo Bandhigi Doono Gacan Ku Dhiiglihii Rasmiga Aha” Ciidanka Booliska Somaliland.

Hargeysa, July 22, 2025 (Haatufonline) – Ciidanka booliska Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyey fal dil ah oo ka dhacay magaalada Hargeysa laba habeen ka hor, kaas oo lagu dilay laba nin oo dhalinyara ah, waxaana isla goobta markiiba ka baxsaday Gacan ku dhiiglihii dilka geystay, sida ay sheegeen ciidanka Booliska Somaliland.Ciidanka Boolisku waxa ay intaasi ku dareen in ay jiraan dad loo soo xidhxidhay falkaasi dilka ah, waxaanay tilmaameen inay ku rajo weynihiin in si degdeg ah ay umadda ugu soo bandhigaan gacan ku dhiiglaha rasmiga ama aqoonsigiisa.Hoggaanka ciidanka Boolisku waxay tibaaxeen in falku uu ahaa mid qorshaysan, iyagoo arimahaasi ka hadlayana waxa ay yidhaahdeen “Dilkii ka dhacay Suuqa Caanaha Riyaha ee magaalada Hargeysa oo lagu dilay labada marxuum ee kala ah Khadar Ibraahim Maxamed oo 23 jir ah iyo Suldaan Axmed Cabdilaahi oo da’diisu tahay 22 sano jir.Ciidanka Boolisku ilaa hadda baadhitaana uu wado waxa lagu ogaaday in Istaanka Basaska ee Caanaha Riyaha nin Madaxiisa qariyey in labadaa marxuum oo bas saaran inuu si toos ah u toogtay oo xabad ka soo dhacday Bastoolad ay madaxa kaga dhacday labada marxuum isaguna uu cararay.” Ayay sheegeen Ciidanka Booliska Somaliland waxaanay intaasi ku dareen in tan iyo markii falka dilka ahi uu dhacay ay wadeen baadhitaan isla markaana ay jiraan dad loo soo xidhxidhay.“Waxa jira dad loo soo xidhxidhay iyo raadad kale oo fiican oo la daba socdo, waxaanu ku rajo weynahay in si degdeg ah aanu umada ugu soo bandhigi doono gacan ku dhiiglihii rasmiga ahaa ama aqoonsigiisa oo buuxa. Dabcan falku siduu u dhacay fal qorshaysan ayuu ahaa, falka qorshaysanina raad-gadasho ayuu sameeyaa si aan dhakhso loogu qaban ama aan hore loogu ogaan marka uu gacan ku dhiigluhu arinkaas oo kale samaynayo.Wakhtiga uu falku dhacay waxa uu ku beegnaa salaadii Cishe oo Masaajidada ayaa lagu jiray, meeshuna basas iyo dad ayaa madaxa iskula jiray oo buuq ayay ahayd, markii uu xabada ridayna luuq ayuu ka dusay, nasiibdaro halkaa in lagu qabto oo dadweynuhu ay qabtaan may suuragalin.Sidaa darteed arinta Booliska u taalaa waxa weeyi baadhitaan buuxa iyo dabagal, waxaanu rajaynaynaa in aan dadka usoo bandhigi doono gacan ku dhiiglaha si dhakhso ah.” Ayay yidhaahdeen hoggaanka Ciidanka Booliska Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*