Afhayeenka Kulmiye Oo Ku Eedeeyey Xukuumada Ciro Inay Beelaha Dalka Isku Dirayso.
Hargeysa, July 24, 2025 (Haatufonline) – Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye, Mustafe Cabdi Ciise Shiine ayaa nasiibdaro ku tilmaamay in Xukuumada Cirro ay isku dirayso beelaha Somaliland.
Mustafe Shiine oo qoraal ku baahiyey barta Faceebook ayaa sidoo kale dhaliilay habdhaqanada iyo hadalada qaar ka mid ah wasiirada Xukuumada, waxaanu yidhi “Waxa nasiibdaro ah in ay inoo dhalatay xukuumad beelihii isugu diraysa, sida ay isu xigaan, kadibna ay wasiiradeedu canaan la soo fadhiisanayaan warbaahinta.
Anigoo shaqsiyan la yaabanaa odayada kulan wasiir iyo maareeyayaal kadib, kuwii dadka ugu xigay aad ugu talax tagay, ayaan haddana arkayaa wasiir xigeenkii wasaaradda kaluumaysiga oo isna waxaan odayadaa dhaamin ku hadaaqaaya.
Si kastaba ha noqotee waxa muuqata in dawladnimadeenii ay sii biyo dhacayso oo xukuumadda maanta jirtaa ay “rolemodel” u yihiin kuwa akhlaaqda xun ee qololka yurub ku xidhan sida Baabulaahi iyo noociisa oo ay xukuumaddu sidoodii beelaha isugu dirayso ama u caayayso” Mustafe Shiine
Leave a comment