Ciidanka Badda Ee Yaman Oo Markab Xoolo U Siday Jidda U Taxaabay Mukha Si Loo Baadho
Haatufonline,25 July 2025
Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Yaman ayaa Khamiistii dhinaca dekadda Mukha u taxaabay markab lagu magacaabo Merinos oo ku socday dhinaca Jidda isagoo adhi sida. Markabkan oo xoolaha kasoo qaadayd dekadda Bosaaso 21 July ayaa waxay Ilaalada badda ee Yamani ku joojiyeen meel badda dhexdeeda ah oo 56 km waqooyi galbeed kaga beegan Mukha iyadoo ay u leexiyeen dhinaca dekadda Mukha halkaas oo ay ku baadheen ka dibna ay iska sii daayeen.Masuuliinta Ilaalada ayaa markabka ka shakily ka dib markii uu bahktiistay nidaamka dabagalka iyo aqoonsiga gaadiidka badda mara. Ciidamada Yaman ee saldhigooda yahay Mukha ayaa bishan horaanteedii gacanta ku dhigay dooni wayn oo Djibouti kasoo shiraacatay oo ay saarnaayeen hub iyo qalab casri ah oo tiro badan oo Iran usoo dirtay Xuutiyiinta iyadoo markeedii hore hubkaasi kasoo qaaday dekadda Bandar Cabbaas ee Iran.Mararka qaarkood Iran waxay hubka casriga ah isagoo furfuran Xuutiyiinta usoo marisaa xeebaha Somalia,waxaana Xuutiyiinta usoo gudbiya Ururka Alshabaab oo ay gacan saar wada leeyihiin.
Leave a comment