Latest News

Yaman Oo Ka Digtay Iskaashiga Tahriibinta Hubka Ee U Dhaxeeya Xuutiga iyo Alshabaab

Haatufonline,July 29,2025

Dawladda Yaman ee la aqoonsanyahay ayaa ka digtay khatarta amaanka dalalka mandaqadda kaga soo fool leh iskaashiga tahriibinta hubka ee u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo ururka Alshabaab.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee Yaman Mustafa Nucmaab ayaa arintan kusoo qaaday shir ka furmay caasimadda wadanka Qadar ee Dooxa oo lagaga hadlayey sidii ay dalalka Muslimku u taakulayn lahaayeen Somalia.Mr Nucmaan waxa uu shirka ka sheegay in wax-wada-qabsiga Xuutiyiinta iyo Alshabaab aanu halis ku ahayn amaanka Yaman iyo Somalia oo kaliya balse uu saamayn ku yeelan doono nabadgelyada mandaqadda oo idil iyo caalamkaba.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa sanadkii 2015 inqilaabtay xukuumaddi Yaman oo Sanca ka saartay oo markii dambana Cadan kaga daba tagtay.Badhtamihii 2015 ayaa waxa Xuutiyiinta dagaal kala horyimid xoogaga u halgama dib-ula-soo noqashada madaxbanaanidii dalka Koonfurta Yaman ee Ingiriisku gumaysan jiray,waxaanay ku guulaysteen inay Xuutiyiinta ka saaraan dhamaan goboladii Koonfurta Yaman isla markaana halkaas ka hirgaliyaan maamul dawladeed oo taam ah balse aan caalamiyan wali la aqoonsanayn halka dawladdi la aqoonsanaa siday sanadkii 2015 ugu qaxday caasimadda Sucuudiga ee Riyaad ay wali halkaas degantahay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*