Ururka Qareenada Somaliland Ee SOLLA Oo Doortay Hoggaan Cusub.
Hargeysa, July 31, 2025 (Haatufonline) – Shirweynihii 6aad ee ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA ayaa maanta lagu soo gabogabeeyey magaalada Hargeysa, kaas oo lagu doortay Hoggaan cusub oo ururkaasi haggi doona saddexda sano ee soo socda.Shirweynahan oo ah kii lixaad ee ururka qareenadu yeesho ayaa maalintii labaad Gudoomoye loogu doortay Garyaqaan Xasan Cali Banfas oo ka guulaysay Musharaxadii la tartamaysay oo haweenay ahayd.Shirkan 6aad ee Ururka Qareenadda Somaliland ayaa sidoo kale gudoomiye ku xigeen loogu doortay Garyaqaan Caydaruus Cali Cabdilaahi, halka Garyaqaan Siciid Cabdilaahi Geeljirena loo doortay xoghayaha ururkaasi ee SOLLA.
Leave a comment