Latest News

Deni oo shaaciyey hawlgal cusub oo Alshabaab lagaga sifaynayo Cal Madow Iyo 2 Daacish oo la qabtay

Haatufonline,August 1,2025

Madaxweynaha dawlad gobleedka Puntland Siciid Deni ayaa daboolka ka qaaday qorshe dagaal oo kooxda Alshabaab lagaga sifaynayo buuralayda Calmadow oo ah silsilad ka bilaabanta gobolka Sanaag ee Somaliland balse dherarsan ilaa goblka Bari ee Puntland. Dhinaca kale ciidamada Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen laba ka mid ah xubnaha Daaciish ee ku dhuumaalayasanayey buuralayda Calmiskaad. Siday xaqiijiyeen laamaha amaanka ee Puntland,labadan xubnood oo ajaanib ah ayaa waxa lagu qabtay buuraha ku dhaw deegaanka Kalabayr ee gobolka Bari iyadoo isna dhawaan la qabtay Cabdiweli Maxamed Aw Yuusuf, oo loo yaqaan Cabdiweli Walalac, oo la sheegay in uu ahaa madaxa xiriirka dibadda iyo maaliyadda ee kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Dawladda Puntland ayaa horaantii sanadkan bilowday hawlgal militari oo balaadhan oo ka dhan ah kooxda Daacish kuwaasoo saldhigyo ka samaysatay buuralayda gobolka Bari. Puntland waxay sheegtay inay guulo waawayn ka gaadhay hawlgalkaasi oo ay si culus u naafeeyeen kooxda Daacish,saldhigyo badanna ka qabsadeen. Daacishta Somalia ayaa waxa sanadkii 2015 aasaasay koox kasoo jabtay Alshabaab oo u hogaaminayey Cabdulqaadir Mu’min, waxaanay dageen buuralayda gobolka Bari.Inkastoo xubno ajaanib ahi kusoo biireen hadana Mu’min iyo dagaalyahanada Daacish ee Soomaaliada ahi waxay badankoodu kasoo jeedaan qabiilka Cali Saleebaan ee deegaankiisu yahay gobolka Bari. Dawladda dhexe ee Somalia oo kaalmo balaadhaan oo dhaqaale iyo hubba leh caalamka kaga hesha la dagaalanka argagixisada ayaan haba yaraatee wax taakulayn ah ka geysan dagaalkan ay Puntland ku qaaday argagixisad Daacish.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*