Latest News

Sirtii hubka casriga ah ee Xuutiyiinta loo marin jiray xeebaha Somalia oo la fashiliyey

Haatufonline,August 11,2025

Koox hubka u tahriibin jirtay Xuutiyiinta oo bishi hore ciidamada Koonfurta Yaman ku qabteen dooni ay u wadeen dhinaca dekadda Saliif ee hoos timaadda maleeshiyada Xuutiyiinta ayaa kashifay siro badan oo ku saabsan marinada iyo xeeladaha loo adeegsado gudbinta hubka ay Iran ku taakulayso Xuutiyiinta.Doonidan oo kasoo shiraacatay Djibouti ayaa lagu qabtay meel ku dhaw marinka Baabel Mandeb ee Badda Cas iyadoo ay saaranyihiin 750 Tan oo hub ahi.Hadaba 4 ka mid ah nimankii doonidan oo lagu magacaabo Al-Shurwa lagu qabtay ayaa waraysi maqal iyo muuuqaal leh oo ay bixiyeen horaantii todobaadkan ayaa waxay ku sheegeen in hubka casriga ah ee Iran bixiso laga soo raro dekadda Bandar Cabbaas ee Iran ku taala,ujeedaduna tahay in tahriib lagu soo gaadhsiiyo dekadaha ay Xuutiyiintu gacanta ku hayaan iyadoo la adeegsanayo xeebaha Cumaan,Yaman,Somalia iyo Djibouti.(Sida aanu ku sheegnay cadadyo hore oo ka mid ah _Haatufonline_ maraakiibta kasoo baxda Bandar Cabbaas ayaa si ay uga baxsadaan roondooyinka ciidamada caalamiga ah ee ku sugan badda Cas waxay waqtiyada qaarkood maraan badwaynta Hindiya dabeeto waxay kasoo jiireeyaan Tanzania ama Kenya ilaa ay soo gaadhayaan biyaha ku dhaw xeebta Somalia ee aan isha lagu haynin oo ay halkaas hubka ku rogaan doonyo yar yar oo Al Shabaab ka wakiil tahay si loo geeyo Yaman).Laba ka mid ah nimanka la qabtay oo ku dhashay jasiiradda Dahlaq ee laga xukumo Eritrea ayaa waxay sheegeen inay safaro badan ku tageen xeebaha Somalia oo ay kasoo qaaden shixnado isugu jira hub,kimiko iyo shidaalba .Xogaha kale ee laga helay nimankan waxa ka mid ah (1) magacyada madaxda Xuutyiinta ee hawgalin jiray (2) in saraakiil ka tirsan Xisbula iyo ciidanka gaarka ah ee Al-qudus ee Iran ay gacan ka gaystaan hawlaha farsamo ee isku-duba- ridka tahriibinta hubka loo dirayo Xuutiyiinta (3)in ciidamada Al-qudus ee Iran ay si qarsoodi ah goobo gaar ah oo taakulaynta hubka lagu dajiyo lagana raro ka samaysteen biyaha ku dhaw xeebaha Somalia (4) in Saldanada Cumaan ay taakulayso kooxaha tahriibiya hubka Xuutiyiinta loo wado Iyagoo sharxaya nooca hubka ay soo qaadi jireen iyo xeeladaha ay Iran adeegsan jirtay si loo qariyo waxay yidhaahdeen:”Waxa lanoo sheegi jiray in aanu doonida ku qaadaynno qalabka warshadaha iyo daawooyinka kaansarka oo khanka talaagadaha la dhigay ,waxaana rarka dusha laga saari jiray alaabooyin bagaash ah ama raashin laakiin waxaanu la yaabnay mar ay caano Yamanba laga helo na saareen “Hadaba markii la kala furfuray qalabkii warshadaha ee saarnaa doonidii Al-Shurwa ee nimankan lagu qabtay waxa la helay oo ku hoos jiray qalab dhan oo marka la isku xidh xidho noqonaya hubka istraatiijiga ah ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn( drones), gantaalaha ridada dheer (Ballistic missiles), qalabka hogaaminta gantaalaha, sawaariikhda difaaca cirka,raadaaro,kimikadani waxay noqotay shidaalka lagu shubo gantaalaha ridada dheer.Shixnaddan lagu qabtay oo ahayd tii 12- naad ayaa waxay doonida la si mareen Jibuuti halkaas oo ay bagaash lagu qarinayo hubka ka qaadeen isla markaana manifest cusub ka samaysteen.

Nimankan la waraystay ayaa waxay sheegeen in marka ay u ambaxayaan dalka Iran ay mararka qaarkood sii mari jireen dalka Cumaan halkaas oo ay ka raaci jireen diyaarad geysa Urdun dabeeto ay u taalabi jireen dalka Lubnaan ilaa Suuriya iyo Ciraaq oo ay halkaas ka gali jireen dalka Iran ilaa ay gaadhayaan dekadda Bandar Cabbaas iyadoo dalka Lubnaan iyo Suuriya ay ku hagaagi jireen saraakiil ka tirsan Xisbula.

Waxa kale oo ay sheegeen in Bandar Cabbaas ay Xuutiyoontu ku leeyihiin kaamp gaar ah oo iyaga ku kulmi jireen Soomaalida la shaqaysa lagu dajin jiray oo hubka markay halkaas kasoo qaadaan ku dajin jireen xeebaha Somalia sida Bosaaso iyo Laasqoray iyo inay safaro badan ku tageen Bosaaso iyo Laasqoray oo ay hub iyo shidaal kasoo qaadeen ilaa dekada Saliif ee Xuutiyiintu gacanta hayaan iyadoo intaanay halkaas gaadheen ay sii mareen Jabuuti si ay uga qaadaan janareetaro iyo mashing kale.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*