Ciidamad Puntland oo goobo cusub kala wareegay Daacish
Haatufonline,August 21,2025
Hawlgalka ciidamada Puntland ka wadaan buuralayda Calmiskaad ayaa todobaadkan deegaano cusub kaga qabsaday kooxda Daacish,waxaana ka mid ah saldhigyo ay maleeshiyada Daacish ku lahayd Ceelka Garooba.Goobaha ay ciidamada Puntland hawlgalkan kula wareegeen ayaa waxay ku yaalaan deegaan istraatiiji ah oo difaacyo dabici ah oo adag leh inkastoo saraakiisha Puntland sheegeen in aanay la kulmin wax iska caabin ah mudadii uu hawlgalkan u dambeeyey socday isla markaana ay saad aan badnayn oo Daacish ka carartay halkaasi ka heleen.
Punland waxa kale oo ay dhawaan maleeshiyada Daacish ka caydhisay deegaanno kale oo muhiim ah sida Dhaban-Qooxle,Cas Caso,Ceelka Dul iyo Darayle iyo ceelka Gambarre oo dhamaantood ku teedsan togga wayn ee Baallade.
Leave a comment