Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay hub iyo saad ay Daacish ku lahayd buuralayda Calmiskaad
Haatufonline,August 29,2025
Puntland ayaa soo bandhigtay hub iyo saad ay todobaadkii hore ka qabsadeen Daacish,kaasoo ku kaydsanaa godad dhulka hoostiisa ah oo ku yaal buuralayda Calmiskaad.
Saraakiisha ciidanka ayaa waxay sheegeen in hubka iyo saadka la qabtay ay lahaayeen maleeshiyadii Daaciish ee saldhigyada ku lahayd togga Baallade ,halkaas oo laga caydhiyey kadib markii ay dagaalo ba’ani ku dhexmareen iyaga iyo ciidanka Puntland.
Dawladda Puntland ayaa horaantii sanadkan bilowday hawlgal militari oo ay ku baacsanayso maleeshiyada Dacish ee ku sugnayd dhulkeeda,gaar ahaan buuralayda gobolka Bari. Hawlgalkan oo wali socda ayaa sida la sheegay waxay ciidanka Puntland ilaa hadda dib ugu qabsadeen deegaanadii ay Daacish fadhiisimada ku lahayd intoodii badnayd.
Dawladda dhexee Somalia ee uu Xasan Sheekh madaxa ka yahay oo kaalmo farabadan caalamka kaga hesha la dagaalanka argagixisada,ayaan haba yaraatee wax kaalin ah ka geysan dagaalka ay Puntland kula jirto Daaciish.
Hasa yeeshee Puntland ayaa la dagaalanka Daaciish taageero iyo bogaadin xoog leh kaga heshay dalalka reer galbeedka ah ee Somalia ka caawiya la dagalanka argagixisada gaar ahaan Maraykanka oo diyaaradihiisa dagaalku ay marwalba ciidanka Puntland ku taageerayeen duqayn xoog leh oo ay geysanayeen goobaha buuralayda ah ee ay Daacish ku dhuumaalaysanayeen.
Dawladda Imaaraatka ayaa sida la sheegay iyaduna gacan ka geysatay dagaalka ay Puntland ku qaaday argagixisada Daacish.
Dhinaca kale qaar ka mid ah saraakiisha iyo diblomaasiyiinta dawladaha reer galbeedka ee Somalia ka caawiya la dagaalanka argagixisada ayaa joojiyey la macaamilka wasiirka difaaca Somalia Axmad Fiqi.
Leave a comment