Latest News

Xuutiyiinta Oo Ka Baxay Heshiiskiii Trump In Aanay Weerarin Maraakiibta Maraykanka

Haatufonline,October 1,2025

Xuutiyiinta Yaman ayaa sheegay inay beegsan doonaan tankarda iyo maraakiibta shirkadaha waaweyn ee saliidda ee Maraykanka oo ay ka midyihiin ExxonMobil iyo Chevron taas oo ka dhigan in Xuutiyiintu ay ka baxeen heshiiskii ay bishii May 2025 la galeen madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump in aanay weerarin maraakiibta Maraykanka ee marta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.Xuutiyiinta ayaa guud ahaanba hakiyey bilihii u dambeeyey weeraradii ay ku qaadi jireen maraakiibta hasa yeeshee waxay 23 September waxay weerar dhicisoobay la beegsadeen markabka lagu magacaabo Minervagracht ee laga leeyahay dalka Holland.Hadana 29 September ayey gantaal Cruise Misille ah la eegteen oo ku dhufteen markabkii Minervagracht kaasoo hadda badda sabaynayaa ka dib markii ciidamada badda ed Yurub ay shaqaalihii ka daadgureeyeen una qaadeen dhinaca Djibouti.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*