Latest News

Somaliland Iyo Puntland Oo Iska Kaashanaya La Dagaalanka Argagixisada

Haatufonline,October 5,2025

Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawlad Goboleedka Puntland ayaa wada galay heshiis ah inay iskaashii dhaw ka yeesheen arimaha amniga gaar ahaan la dagaalanka kooxaha argagixisada ee Alshabaab,Daacish iyo cidkasta oo ficilo argagixiso ah ka fulisa xuduudaha labada dhinac iyo sidoo kale inay yeeshaan iskaashi amni oo dhinaca badda ah (Maritime Security Cooperation) oo ku waajahan la dagaalanka dambiyada ka dhaca biyaha badda gaar ahaan biyaha badaha hoosyimaadda masuuliyada amni ee labada dhinac.Heshiiskan waxa maanta saxeexa galinka ku duugay masuuliin ka kala socda Somaliland iyo Puntland kulan ay ku yeesheen caasimadda Kenya ee Nairobi.Sida qoraalka heshiiska ku xusan “Somaliland waxay Puntland ku ammaanaysa nabadda,horumarka iyo Guillaume ay kasoo hoysay la dagaalanka argixisada.Sidoo kale waxay ku bogaadinaysa taabogalinta nidaamka dawliga ah ee ay ka hirgalisay deegaanada Puntland”, halka Puntland dhinaceeda sheegtay inay soo dhawaynayso “horumarka ay Somaliland ka gaadhay dawladnimada iyo xaqqa ay u leedahay aaya katashigeeda”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*