Latest News

Askar Reer Puntland Ah Oo Lagu Qafaashay Badda Dhexdeeda Iyo Ilaalada Badda Ee Xadramawt Oo Badbaadiyey.

Haatufonline October 8,2025

Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee gobolka Hadramawt ee koonfurta Yaman ayaa maanta oo Salaasa ah ku guuleystay howlgal badeed si xeel dheer loosoo qorsheeyey, kaas oo lagu soo badbaadiyey saddex xubnood oo ka tirsan hay’adaha amniga maamul goboleedka Puntland ee Somalia, kuwaas oo lagu afduubtay biyaha badda dhexdeeda. Siday saraakiisha Xadramawt sheegeen,hawlgalkan ayaa qabsoomay kadib markii si taxadar leh loo raacay loona bartilmaameedsaday dooni kalluumaysi oo ka timid dhinaca Puntland.Sida laga soo xigtay ilo amni, doonida ayaa ku lug lahayd isku dayga afduubka, hase yeeshee cutubyo ka tirsan Ilaalada Xeebaha ayaa si degdeg ah ugu dhaqaaqay wax ka qabashada arintan kaddib markii ay heleen xog sirdoon oo sax ah,waxaana markiiba bilowday raadin isku xiran oo la adeegsanayey raadaaro badeed casri ah iyo xog sirdoon dhulka laga helay, taas oo ugu dambeyn keentay in doonidii lagu qabto agagaarka dekedda Qusaci oo 136 km ka xigta Mukala dhinaca bari xili ay kooxda doonida wadatay iska dhigayeen niman kaluun dajinaya si ay u qariyaan dadka la afduubay ee saarnaaSida laga soo xigtay saraakiisha gobolka Xadramawt,ma jiro wax dhaawac ah oo soo gaadhay sadaxdii askari ee la badbaadiyey,halka dhamaan shaqaalihii doonida oo tiradoodu aheyd 10 qof sharciga lala tiigsaday.Saraakiishu waxa kale oo ay sheegeen in markii doonida la badhay laga helay hub iyo dirays ciidan, taasoo muujinaysa in doonidu aysan ahayn mid kalluumeysi oo keliya, balse ay qayb ka ahayd shabakad abaabulan oo ka shaqaysa afduubka iyo tahriibka biyaha xuduudaha dhafsiisanTaliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Hadramawt Cumar Cawad al-Saaci, ayaa ku ammaanay cutubyadiisa diyaargarowgooda iyo xawaaraha ay uga jawaabeen khatarta badda. Wuxuu sheegay in howlgalka uu ahaa “natiijada iskaashi wax ku ool ah oo u dhexeeya Ilaalada Xeebaha Hadramawt iyo dalalka deriska ah,” taas oo ku dhisan shabakad amni badeed oo ilaalinaysa marin-biyoodka caalamiga ah kana hortagta afduubka iyo tahriibka.Howlgalkan ayaa sida la sheegay qayb ka ah dadaal joogto ah oo ay ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Hadramawt ku xoojinayaan ammaanka badda iyo la dagaalanka khataraha xuduudaha dhaafaya, gaar ahaan iyadoo mandaqadda Badda Cas,Badda Carbeed iyo Geeska Afrika ay kusoo kordhayaan isku dayada sharci darada ee lagu fushanayo doonyaha kaluumaysiga.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*