Turki Labaad Oo Daacish Ka Tirsan Oo Lagu Soo Qabtay Calmiskaad
Haatufonline,October 15,2025
Nin dalka Turkiga u dhashay oo u dagaalamaya ururka Daacish ayaa shalay lagu soo qabtay buurlayda Calmiskaad ee gobolka Bari ee Puntland.Ninkan oo lagu magacaabo Feyzul Haashim Suleymaan ayaa waxa gacanta ku dhigay ciidanka Puntland ka dib markii ay weerar ku qaadeen maleeshiyo ka tirsan Daacish oo ku sugneyd togga Baalade iyadooqabashada ninkani dhacday xili uu ciidanka Puntland ku gudo jiray wajigii afraad ee hawlgalka militari ee ay buuralayda bariga Puntland kaga sifaynayaan maleeshiyada Daacish.Waa Turkigii labaad ee lagu qabto Calmiskaad laba bilood gudahood iyadoo bishii June gacanta lagu dhigay Xasan Cataar oo isna u dhashay dalka Turkiga.Sarkaal u hadlay Puntland ayaa sheegay in ciidankoodu ku dabajiro oo baadigoobayo laba nin oo kale oo Turki ah oo la kala yidhaa Emre Kemal Yilmaz iyo Aylin Derya Kaya oo la rumaysanyahay inay ku dhuumaalaysanayaan aagga Calmiskaad.Afhayeenka wuxu intaas ku daray in dagaalyahanada Turkiga ee ay qabteen iyo kuwa ay wali ku daba jiraan ahaayeen saraakiil ka goostay ciidanka Turiga oo ku biiray Daacishta Suuriya intii aanay Daascishta Somalia usoo wareegin.Khubarada dhinaca ammanka ayaa ka digaya in joogitaanka dagaalyahanada shisheeye ee Somalia ay muujinayso khatarta sii kordhaysa ee argagixisada caalamiga ah,iyagoo ku baaqaya in la xoojiyo xog wadaagga iyo iskaashiga caalamiga ah si loola dagaalamo shabakadaha xagjirka ah.
Leave a comment