Latest News

Diyaarado dagaal oo duqeeyey tuulooyin hoosyimaadda Warshiikh oo Alshabaab soo galeen

Haatufonline,December 22,2025

Diyaarado dagaal ayaa maanta duqeeyey deegaano hoostaga degmada Warshiikh oo ay maleeshiyada Alshabaab soo galeen.

Siday ku warameen dad goob joog ahaa, waxa duqaynta ka hor aagga la bartilmaameedsady ka dhacay dagaal ay iskaga horyimaadeen Alshabaab iyo ciidanka dawladda oo ay la safanyihiin maleeshiyada deegaanka ee loo yaqaan Macawislayda.
Xoogagga Somalia la saaxiibka ah oo taakulaynaya ciidamada dawladda iyo Macawislayda ayaa duqayn la beegsaday difaacyo godad waawayn ah oo Alshabaabku halkaas ka qoteen.

Wararka u dambeeyey waxay intaas ku darayaan in ciidamada dawladda iyo deegaanku ay hareereeyeen Gubad-Jabane iyado qorshuhu yahay inay gudaha u galaan deegaankaasi si ay Alshabaab halkaas ugu saaraan. Ilaa hadda lama hayo wax macluumaad ah oo ku saabsan khasaaraha soo kala qaadhay labada dhinac ee dagaalku dhex maray.

Dhaqdhaqaaqa kooxda Alshabaab ayaa mudooyinkan dambe kusoo badanayey gobolka Shabeelada Dhexe ee dariska la ah caasimadda Somalia, waxana qorshahooda ka muuqata inay culayska saarayaan sidii ay u qabsan lahaayeen deegaanada ku dhaw Muqdisho ,kadibna isku maqiiqin gudaha magaalada si ay u qabsadaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*