Shacabka Oo Maanta Si Weyn Ugu Dheg-Taagaya In Somaliland La Aqoonsado
Hargeysa, December 25, 2025 (Haatufonline) – Kulan aan hore loo qaban oo albaabadu u xidhan yihiin ayaa xukuumada Somaliland uga socda aqalka looga arimiyo ee madaxtooyada, waxaanu madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) uu isugu yeedhay xubnihiisa ugu sareeya dawladda.
Shirkan xukuumada Ciro ku jirto oo la sheegay inuu yahay mid muhiim ah balse aan dibada loo soo saarin xogtiisa ayaa la sheegay in lagaga wada hadlayo aqoonsiga Somaliland oo la filayo in lagu dhawaaq.
Xukuumada Somaliland ayaa la sheegay in ilaa shalay galinkii dambe uu u soconayey shirar goos-goos ah, waxaanay xidhiidho wada samaynayeen dalalka la filayo inay Somaliland aqoonsadaan.
Sidoo kale waxa galabnimadan maanta ah soo gaadhaya magaalada Hargeysa wefti heersare ah oo ka socda dawladda Maraykanka.
Weftigan ka socda Maraykanka ayaa lala xidhiidhinayaa inay qayb ka yihiin aqoonsiga Somaliland oo la filayo inay ku dhawaaqaan dhawr dal oo ay Afrika ka midka tahay.
Leave a comment