Israel Oo Golaha Amaanka Ka Difaacday Aqoonsiga Ay Siisay Somaliland
New York, December 30, 2025 (Haatufonline) – Dawladda Israel ayaa xalay kulankii golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu ku yeeshay magaalada New York ee dalka Maraykanka kaga cadeey qiimaha Somaliland ku leedahay caalamka, waxaanu safiirka Israel u fadhiya Qaramada Mdioobay uu kulanka ku soo bandhigay xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Israel.Safriika Israel waxa uu sheegay in Israel ay ka mid ahayd 35kii wadan ee aqoonsaday madaxbanaanida Somaliland 1960-kii.Waxaanu sidoo kale Ambasadorku uu xusay xasuuqii dawladda Somalia ay ka gaystay Somaliland sanadadii 1980-kii, waxaanu yidhi Safiirku “Xiligii 1980-kii shacabka Somaliland waxa lagula kacay xasuuq baahsan, magaalooyin dhan ayaa la burburiyey, dadka rayidka ah si badheedh ayaa loo beegsaday. Waxaana aduunyada maanta loo aqoonsan yahay xasuuuqii beesha Isaaq ee (Issak genocide) ay u gaysatay dawladdii Siyaad Barre.Israel waa dalka kaliya ee ka hadlay xasuuqaasi ee horkeenay golahan, waxaanu xiligaasi siihayihiin safiirka Israel ee Yuhanan qoraalkii uu usoo gudbiyey Golahani ay ku jirtaa diiwaanka olaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.”Dhinaca kale Safiirka Qaramada Midoobay u fadhiya dawlada Israel waxa uu difaacay Aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland waxaanu tilmaamay in Somaliland ay buuxisay dhamaan shuruuudihii looga baahnaa dal in lagu Aqoonsado.
Leave a comment