Madaxweynaha Somalia Oo Sheegay Inuu Xoog U Adeegsan Doono Somaliland.
Muqdisho, January 3, 2026 (Haatufonline) – Madaxweynaha dawlada taagta daran ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo waraysi siiyey Telefishanka Al-Carabiya ayaa sheegay in Somaliland ay khadka cask a gudubtay kadib markii ay aqoonsi ka heshay dawladda Israel.Madaxweynaha Somalia waxa uu intaasi raaciyey in dawladiisu ay Ciidan u adeegsan doonto si ay uga hortagto aqoonsiga Somaliland.Somaliland ayaa 26kii bishii hore ee December ee sanadka 2025-ka ka heshay aqoonsi buuxda dawladda Israel, waxaana tan iyo maalintaasi Madaxweynaha Somalia ka soo yeedhayey hadalo ka dhan ah Somaliland.Sidoo kale Madaxweynaha Somalia ayaa Waraysiga Al-Carabiya la sheegay iyo mid ka horeeyey oo Al-jazeera ka qaaday ku sheegay in Israel ay ka leedahay aqoonsiga Somaliland saddex ujeedo sida uu hadalka u dhigay.Waxaanu sheegay in ilo sirdoon ay u xaqiijiyeen in Israel ay doonayso in dadka Falastiiniyiinta ah ay u rarto Somaliland iyo inay saldhigyo milatari ay ka samaysato Somaliland.Hase yeeshee Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland ayaa warkaasi ka soo yeedhay Madaxweynaha Somalia ku tilmaantay waxba kama jiraan, waxaanay sheegtay in Aqoonsiga Israel uu yahay mid diblomaasiyadeed iyo xidhiidh laba geesood ah oo dhexmaray labada dal ee Somaliland iyo Israel.
Leave a comment