Somaliland Oo Si Adag U Cambaaraysay Baaqyada Ka Soo Yeedhaya Somalia Oo Ay Ku Dalbanayso Faragalin Milatari Oo Ka Dhan Ah Somaliland.
Hargeysa, January 11, 2026 (Haatufonline) -Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag u cambaareysay hadalo kasoo yeedhay dawladda taagta daran ee Soomaaliya, kaas oo ku baaqaysay farogalin ciidan shisheeya ah in lagu kaco Somaliland.
Wasaaradda Arrimaha dibada JSL ayaa bayaan ay soo saartey ku sheegtay in hadaladaasi yihiin kuwo halis ah oo masuuliyad-darro ah, isla markaana si cad uga hor imanaya Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah.
Somaliland waxay sheegtay in Soomaaliya ay qaadi doonto masuuliyadda wax kaste oo ka dhasha hadaladaasi.
Leave a comment