Khalkhalka ka taagan koonfurta Yaman iyo saamaynta nabadgelyada gobolka
Haatufonline January 11,2025
Tan iyo intii laga adkaaday ciidamadii koonfurta Yaman ee uu hogaamin jiray Caydaruus Al-Zubaidi dabayaaqadii bishii hore,waxa arintaas ka yimid faraaq amni (security vacuum) oo ka dhashay kaalintii uu ku lahaa ciidanka Al-Zubaidi wax-ka- qabashada arimaha khatarta ku ah nabadgelyada iyo amniga oo meesha ka baxday iyo cid kale oo aan wali kaalintaas buuxinin.
Ciidamada koonfurta Yaman oo Imaaraatku caawinayaan ayaa sanadkii 2015 ku guulaystay inay maleeshiyada Xuutiyiinta ka saaraan dhamaan gobolada dalkooda oo sanadkii 1967 madaxbanaanidiisa ka qaatay Ingiriiska balse sanadkii 1990 la midoobay waqooyiga Yaman. Al-zubaidi oo ahaa hogaamiyaha golaha dhaqdhaqaaqa soo-celinta madaxbanaanidii koonfurta Yaman (STC) ayaa sida la sheegay todobaadkan dibadda uga baxay dalkiisa kadib markii ciidamadiisa la jabiyey. Ciidamada koonfurta ayaa horaantii December isku balaadhiyey labada gobol ee Xadramoot iyo Al-Mahra, hasayeeshee dawladda Sucuudiga oon arintaas raali ka ahayn ayaa diyaarado ku duqeeyey oo jab wayn u gaystay taasoo keentay inay hakad galaan hawlihii ay ciidamada Alzubaidi ka qaban jireen gobolada koonfurta sida ka hortagga tahriibta hubka Xuutiyiinta looga soo diro dalka Iran iyo la-dagaalanka argagixisada Alqaacida iyo ganacsiga daroogada iyadoo waliba isla xiligan xasaasiga ah ay dalka iskaga baxeen ciidan kooban oo Imaaraatku lahaayeen kuwaasoo hawlahaasi ka caawin jiray ciidamada koonfurta.
Dawladda Sucuudiga oo iyadu isku wadda inay la wareegto maamulka koonfurta Yaman ayaan ilaa hadda wax ka qaban qaska iyo is-dhexyaaca ka dhashay ka-bixitaankii ciidamada STC ee labad gonol ee Xadramoot iyo Mahra taasoo u baahan in la dhameeyo intaanay ka faaiidaysan kooxaha tahriibta iyo argagixisadu.Sucuudiga iyo dawladda Yaman ee deggan caasimadda Sucuudiga ee Riyaad ayaa todobaadkan sheegay inay ku jiraan qorshe talis-guud oo qudha lagu hooskeenayo ciidamo kala filiqsan oo ku kala sugan gobolada si loo soo celiyo nidaamkii iyo kala dambayntii. Waxase meesha ka maqan ciidamadii koonfurta ee aqaoonta iyo waayo-aragnimada u lahaa ka hortagga tahriibta hubka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada, mana jirto ilaa hadda wax hawlgal ah oo la fuliyey oo lagu soo qabtay hub tahriib ah ama lagu weeraray kooxda Alqaacida oo tan intii ciidamada STC meesha ka baxeen. Waxaana jirta in Sucuudigu aanu raali ka ahayn in lasoo celiyo ciidamadii ka amar qaadan jiray Alzubaidii,lamana garan karo ilaa hadda inuu fikaradiisa wax ka badali doono iyo inkale.
Hadaba dhinacan Geeska iyo Bariga Afrika waxa jira walaac ah in kooxaha tahriibtu ay soo gaadhsiyaan ururada argagixisada ee Alshabab iyo Daacishta Somalia qaybo ka mid ah hub fara badan oo lagu bililiqaystay Xadramawt,Mahra iyo magaalada Cadan kadib markii ay kooxo maleeshiyaad ahi ay sadexdaas meelood la wareegeen todobaadkii hore. Sida la ogsoonyahay waxa jira iskaashi ka dhaxeeya Xuutiyiinta iyo kooxaha tahriibta iyo argagixisada ee ka hawlgala Geeska Afrika iyadoo Xuutiyiinta hubka Iran loo soo mariyo xeebaha Somalia iyo Djibouti iyo dhulka ku yaal labada gobol ee kala ah Xadramoot iyo Mahra ee xadka la leh dalka Cumaan iyo waliba xeebta Raasal Caara oo iyadu ku taala gobolka Laxaj taasoo ah marinka sadexaad ee Xuutiyiinta looga soo gudbiyo hubka tahriibta ah.
Leave a comment