Jaalliyadda Somaliland ee dalka UK oo u dabaal dagay ictiraafka ay ka heshay dawlada Israel.
London, January 14, 2026 (Haatufonline) – Kumanaan ka mid ah jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka UK ayaa maanta isku soo bax balaadhan oo ay ugu dabaal degayaan Aqoonsiga Somaliland ka heshay dalka Israel ku qabtay magaalada London gaar ahaan fagaaraha Downing Street.
Isku soo baxan oo ay jaaliyada kala qaybgaleen siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland iyo xildhibaano u ololeeya qadiyada Somaliland ayaa ugu baaqay dalka UK in la joogo wakhtigii Somaliland la aqoonsan lahaa.
“Waxaan sugaynaa in Ingiriisku Aqoonsado Somaliland” ayuu yidhi Xildhibaan Gavin Williamsom.
Leave a comment