Latest News

Qaramada Midoobay Oo Xaqiijiyey Joogitaanka Alshabaab Ee Sool Bari.

Haatufonline ,January 17,2026

Warbaxin ku taarriikhaysan 28 November 2025 oo ay diyaariyeen gudi ka socota Qaramada Midoobay (UN Panel of Experts) ayaa lagu xaqiijiyey in xubno kale tirsan Alshabaab ay ku suganyihiin bariga gobolka Sool(Laascaanood).
Warbixintu waxa sheegtay in ugu yaraan laba boqol oo ka mid ah dagaalyahanada Alshabaab oo uu hogaamiye u yahay taliye la yidhaa Cabdi Madoobe ay saldhigyo ku leeyihiin koonfurta bariga Sool .
Khubarada Qarmada Midoobay waxay intaas ku dareen in Cabdi Madoobe iyo kooxdiisu ay xidhiidh la samaynayaan xubnaha Alshabaab ee ku sugan inta u dhaxaysa buuraha Galgala iyo Cal-madow kuwaas oo tiradooda ay warbixintu ku qiyaastay 500 dagaalyahan.

Sanadkii 2023 ayaa magaalada Laascaanood ee ku taala bariga Sool dagaal ku dhexmaray ciidanka Somaliland iyo ciidamo iskugu jira maleeshiyo beeleed deegaanka ka tirsan iyo ciidamo goo goos ah oo ka yimid dhinaca Somalia .
Somaliland ayaa xiligaa sheegtay oo marar badan ku celcelisay in Alshabaab ay tahay cidda colaadda Laascaanood dabada ku hurinaysa isla markaana ay xubnaha Alshabaab si buuxda ugu jiraan dagaalka socda ee ka dhanka ah Somaliland.
Dagaalka Laascaanood ayaa waxa iyaguna kasoo qaybgalay askar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Somalia kuwaas oo ku biiray ciidamada huwanta ah ee kasoo horjaday ciidamada Somaliland iyadoo waqtigaas ay
xukuumadda Somaliland ku eedaysay Somalia inay si dadban qayb uga tahay dagaalka lagula jiro Somaliland.

Tan iyo markii ciidanka Somaliland laga saaray Laascaanood 25kii August 2025,ayaa waxa bariga gobolka Sool kusoo xoogaystay Alshabaab,waxaana sidaas u sahlay dhawr arimood oo ay ka midyihiin dawladii la colka ahayd oo meesha ka baxday iyo
xubnaha Alshabaab oo badankoodu kasoo jeedaan beesha Dhulbahante ee ku nool deegaanka Sool bari iyo waliba ciidanka oo la siiyo mushahar ciidan oo laba boqol oo doolar ah oo ay bixiso xarunta dhexe ee Alshabaab ee ku taala magaalada Jilib ee ka tirsan gobolka Jubaland ee Somalia.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*