Latest News

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Laba Marxuum Oo Lagu Dilay Saylac.

Saylac, January 19, 2026 (Haatufonline) – Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay inay ka hawlgashay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa cidii gaysatay dil ka dhacay magaalada Saylac.Dilka ayaa loo gaystay labada Marxuum ee kala ah Yuusuf Cabdilaahi Xuseen Fariid iyo Mustafe Jaamac Faarax. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Maxamed Aw Cali Cabdi oo tacsi u diray  Eheladii ay ka baxeen labada Marxuum ayaa sheegay in Xukuumaddu ay ka hawl gashay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa cidii gaysatay falkan foosha xun.Dhinaca kale dilkan ayaa ku soo beegmaya xili maanta 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 lagu qabtay shir  lagu Falanqeeyay Xaalada Guud ee Amniga Dalka. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, 𝐌𝐝. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐌𝐚𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛, ayaa sheegay in Xaalada Guud ee Amniga Dalku ay fiican tahay, balse loo baahan yahay in la sameeyo taxadar dheeraada, lana kordhiyo sidii loo sugi lahaa amaanka dalka. Wasiirku wuxu bogaadiyay sida fiican ee ay bulshada Somaliland ula shaqeeyaan Hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya Amaanka dalka. Waxanu ku booriyay in ay halkaasi ka sii wadaan. Waxa kale oo iyaguna shirka maanta ka hadlay Saraakiisha Ciidamada Ee  kala duwan, kuwaas oo sheegay in ay si fiican u gudan doonaan shaqada guud ee sugida amniga dalka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*