Madaxweyaha Somaliland Oo Caawa Safar Ugu Baxay Dalka Israel.
Hargeysa, January 20, 2026 (Haatufonline) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa caawa socdaal ugu baxay dalka Israel.Madaxweynaha oo ka dhoofay madaarka Cigal ee Hargeysa ayaa casuumad rasmi ah ka helay Raysal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.Socdaalkan ayaa ah mid taariikhi ah oo waxtar weyn u leh xiidhka Caalamiga ah ee Somaliland.26 December 2025kii ee sanadkii hore ayay ahayd markii Israel ku dhawaaqday aqoonsiga Somaliland, tan iyo xiligaasina waxa sii xoogaysanayey xidhiidhka Istaraatajiyadeed ee labada dal.Xubnaha Waftiga Madaxweyne Cirro ku wehliya Safar uu ugu dhoofay Dalka Israel ayaa waxa ka mid ah:1. Marwada Madaxweynaha Farduus Maxamed Rooble.2. Wasiirka Madaxtooyada Khadar Xuseen Cabdi.3. Wasiirka arrimaha dibada Cabdiraxmaan Aadan Bakaal.4. Madaxa Xafiiska Madaxweynaha , Cabdiqaadir Iidle.5. Taliyaha ilaalada khaaska ah ee Madaxweynaha Kabtan Maxamed Cali.
Leave a comment