Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Dablay Hubaysan Oo Falal Amnidaro Geystay Ku Soo Qabtay Saylac.
Saylac, January 21, 2024 (Haatufonline) – Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa maanta fuliyeen hawlgal amni oo qorshaysan, kaasi oo lagu baadi-goobayey koox hubaysan oo fal dambiyeed ku dilay laba qof oo shacab ah.
Hawlgalkan oo ka dhacday Deegaanka Indho-biraale Degmada Saylac, waxa muddadii uu socday, kooxdan budhcada ahi ay iska caabin hubaysan kala hortimid Ciidanka Qaranka.
Sida lagu sheegay War qoraal ah Oo ka soo baxay taliska Ciidanka Qaranka Somaliland kaas oo lagu yidhi “Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee sugidda amniga, waxay ku guulaysteen inay soo qabtaan xubno ka mid ah budhcadihii falkaas geystay, iyagoo sidoo kale gacanta ku dhigay hubkii ay wateen.Hawlgalkaasi wuxuu sababay in laba ka mid ah budhcaddu ku dhintaan iska-horimaadka, halka afar kale ay ku dhaawacmeen.Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kale digniin adag u dirayaan cid kasta ama koox kasta oo isku dayda inay khalkhal geliso amniga iyo xasilloonida shacabka, gaar ahaan gobollada galbeedka dalka, in laga qaadi doono tallaabooyin sharci ah oo waafaqsan xeerarka iyo dastuurka dalka.Ciidanka Qaranku waxay shacabka u xaqiijinayaan inay sii wadi doonaan hawlgallada lagu xaqiijinayo nabadda, amniga, iyo ilaalinta naf iyo maalba.Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Qaranka JSL.
Leave a comment