Madaxweynaha Somaliland Oo Shirka Dhaqaalaha Aduunka Kaga Qaybgalaya Switzerland
Davos, January 21, 2026 (Haatufonline) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa shirka dhaqaalaha aduunka oo ka furmay magaalada DAVOS ee dalka Switzerland ka qaybgalaya.Madaxweyne Ciro oo ilaa hada aan la ogayn madaxda uu la kulmay ayaa bogiisa ku baahiyey sawiro uu saaran yahay diyaarad ka diiwaangashan Switzerland iyo qoraal uu soo raaciyey oo u dhignaa sidan:oo dhambaal usoo diray Shacabka “Shacabkayga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxa aan u soo dirayaa salaan & bogaadin, anniga oo u rejaynaya khayr, nabad, iyo barwaaqo” ayuu fariintiisa ku yidhi Madaxweyne Ciro.
Leave a comment