Latest News

Madaxweyne Cirro iyo Eric Trump Waxay Ka Wadahadleen Fursadaha Maalgashi Ee Somaliland Yaala” Dr Bayle

Davos, January 23, 2026 (Haatufonline) – La-taliyaha arimaha dhaqaalaha ee Madaxweyne Cirro, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaan ayaa sheegay in Madaxweyne Ciro iyo wiilka uu dhalay Madaxweynaha Maraykanku ee Eric Trump ay ka wada hadleen dhanka fursadaha ganacsi ee Somaliland yaala, isaga oo sheegay in uu muujiyey sida uu u danaynayo fursadahaasi. Dr Bayle oo Waraysi Siiyey BBC Somali isaga oo ku sugan dalka Switzerland ayaa yidhi “Waxaan u sharraxay Somaliland iyo khayraadkeeda, isaguna waxa uu muujiyay xiise uu u qabo Somaliland iyo fursadaha ay leedahay. Arrimaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ahaa sidii maalgeliyeyaal caalami ah loogu soo jiidi lahaa dhinacyada xoolaha nool iyo beeraha, si aan u warshadaynno una dhoofinno suuqyada caalamka. Dhanka kale, hoggaamiyeyaal kale oo dunida ah ayaannu la wadaagnay khayraadkeenna dabiiciga ah sida gaaska iyo macdanaha.” Ayuu sheegay Dr Bayle. Dhanka kale Dr Cabdiraxmaan Bayle, ayaa BBC-da u sheegay in hab-fekerka dawladdu is beddelay., waxaana uu yidhi “Markii ugu horreysay, dunida kama codsanayno gargaar,” ayuu yidhi. “Waxaan u soo bandhigaynaa khayraadkeenna. Shacabkeenna waa dad u furan iskaashi, maalgashi iyo koboc wadaag ah.” Eric Trump ayaa ka hor cashada ka qayb-galay kulan kale oo gaar ah oo ay martigelisay isla madasha Davos Lodge, kaas oo cinwaankiisu ahaa Isbeddellada Caalamiga ah iyo Fursadaha Suuqyada Horumaray. Inkasta oo uusan ahayn mas’uul dowladeed, Eric Trump waa Madaxweyne Ku-xigeenka Fulinta ee ururka qoyska Trump, isla markaana madaxweynaha Mareykanka waxyaabo badan kala taliya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*