Latest News

Weeraro duqayn iyo go’doomin ah oo lala beegsaday Daacishta ku hadhay Calmiskaad

Haatufonline,January 24 ,2026

Ciidamada cirka ee Maraykanka iyo kuwa Puntland ee dhulka ayaa todobaadkan weeraro duqayn iyo go’doomin iskugu jira ku qaaday hadhaagii maleeshiyada Daacish ee ku sugnaa buurlayda Calmiskaad.

Warbixin ay Puntland soo saartay shalay ayaa waxa lagu sheegay in bartilmaameedyada weerarada lala beegsaday ay ka mid ahaayeen aagga Ceel Bukuuje ee togga Baallade isla markaasna hawlgalkaasi militari lagu dilay xubno ka tirsan Daaciish,qaar kalena isa soo dhiibeen markay u adkaysan waayeen culayskii.
Puntland waxa kale oo ay shaaca ka qaadday in weerarada ku waajahan firxadka Daacish ay sii socon doonaan ilaa inta laga wada safaynayno gobolka Bari ee Puntland.

Dhinaca kale Puntland ayaa todobaadkii hore soo bandhigtay dagaalyahanadii ajaanibka ahaa ee ugu tirada badnaa ee Daacish lagaga qabtay hawlgaladii cusla ee ka dhacay buurlayda Calmiskaad.Maxaabistan oo kontameeyo lagu qiyaasay ayaa kala badh oo badh kasoo jeedeen Itoobiya halka inta hadhay ka kala yimaadeeno wadamada Marooko,Suuriya,Yaman,Sucuudiga iyo Tanzaaniya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*