Madaxii xafiiska maaliyadda Alshabaab oo duqayn lagu dilay.
Haatufonline,January 28,2026
Masuulkii ugu sareeyey ee Alshabaab u qaabilsanaa arimaha maaliyadda, Cabdullaahi Xasan Cosoble oo loo yaqaanay Cabdullaahi Wadaad, ayaa 23-kii bishan January lagu dilay deegaanka Kuunya-Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.Sida dawladda Somalia sheegtay,waxa fuliyey duqayntan lagu dilay Cabullaahi Wadaad saaxiibadda kala shaqeeya la dagaalanka argagixisada iyagoo la kaashanaya sirdoonka Somalia.
Cabdullaahi Wadaad ayaa la aaminsanyahay inuu ku dhashay deegaanka Ruun-Nirgood ee Shabeellaha Dhexe sanadkii 1965,waxaanu xilal kala duwan oo la xidhiidha dakhli ururinta kasoo qabtay kooxda Alshabaab iyadoo xilkii ugu dambeeyey ee uu hayey ahaa madaxa xafiiska guud ee maaliyadda ee Alshabaab. Siday noo sheegeen ilo ku dhaw dhaw sirdoonka Somalia,mudadii uu Cabdillaahi Wadaad xilka maaliyadda hayey waxa uu suurtagaliyey in ururinta dakhligu aanu ku koobnaanin gudaha Somalia oo kaliya balse uu lacago kasoo ururiyo jaaliyadaha Soomalida ee deggan bariga iyo koonfurta Afrika iyadoo ilaha ugu dhaqalaha badan ee dibaddu ay haatan kasoo galaan caasimadda Kenya ee Nairobi,halkaasoo xarun u ah urur diimeedka Soomaaliga ah ee Al-Itisaam ee Alshabaab taageera. Waxa kale oo ilahaasi noo sheegeen in Cabdillaahi wadaad door wayn ka ciyaaray hirgalintii weerarkii argagixisada Alshabaab ku qaadeen moola Westgate sanadkii 2013.
Wadaad oo lagu tirin jiray inuu ka midyahay tobanka nin ee sareeya ee talada Alshabaab ka go’do, ayaa markii ay duqayntu cuskatay ku sugnaa goob uu u malaynayey inay ammaan tahay ,waxaanu noqonayaa sarkaalkii saree labaad ee Alshabaab laga dilo laba bilood gudahood iyadoo horaantii December la khaarajiyey khabiirkii Alshabaab ee qaraxyo-samaynta ee loo yaqaanay Injineer Isnaaciil.
Gobolka Shabeelada Dhexe oo ah deegaanka ay ku dhasheen Cabdillaahi Wadaad iyo ninka la yidhaa Kabo Kutukade oo isaguna ka mid ah hogaamiyeyaasha sar sare ee Alshabaab, ayaa waxa baryahanba ka socday dhaqdhaqaaq xooggan oo ay Alshabaab ku doonayso inay ku qabsato deegaanada ku dhaw caasimadda Muqdisho si ay u sahlanaato inay marka dambe magaaladaasi qabsadaan iyadoo ilaa hadda sy u suurto gashay qayb ka mid ah qorshehaasi.
Leave a comment