Latest News

Guddida Beelaha Awdal Oo Sheegay Inaanay Sinaba U Aqbalayn Maamulka Guban State Ee Lagaga Dhawaaqay Xamar.

Boorama, January 29, 2026 (Haatufonline) – Madaxda Dhaqanka ee Gobolada Awdal iyo Selel ayaa soo saaray go’aamadan:-1- Guddida dhaqanka beelaha Gadabuursi waxa ay si toos ah dadkooda ugu caddeynayaan in duulaan dagaal oo qaawan lagu soo qaaday deegaaanadooda xeebaha gobolka Salel, duulaankaas oo ah damac dhul-doon ah oo socday labadii sanno ee ugu dambeeyay.2- Tan iyo intii lagu soo qaaday duulaanka dhulka beelaha Gadabuursi waxa ergooyin nabadeed ugu yimid beelaha Gadabuursi ilaa 4 ergo oo soomaaliyeed kana kala yimid Hargaysa, Badhan, Ethiopia iyo Kenya. Beelaha Gadabuursi waxa ay ergooyinkaa ka aqbaleen in ay iyagu dhankooda diyaar u yihiin nabad haddii laga helayo dhigooda beelaha Ciise ee iyagu ku baaqay dagaalka duulimaadka ah ee ku jihaysan dhulka beelaha Gadabuursi.3- Beelaha Gadabuursi waxa ay cid kasta oo dan ka leh nabadda geeska Africa u caddeynayaan in aanay iyagu cidna duulimaad ku ahayn balse ay yihiin dad difaac ku jira oo ilaashanaya dhulkooda iyo taariikhdooda.4- Guddidu waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan beelaha Gadabuursi in ay u diyaar-garoobaan difaac kama-dambays ah oo lagaga hortagayo duulaanka qaawan ee lagu soo qaaday dhulkooda Alle ku beeray.5- Guddiga dhaqan ee beelaha Gadabuursi waxa ay dadkooda farayaan meel ay joogaanba in si buuxda u taageeraan difaaca dhulkooda, kuna bixiyaan maal iyo nafba. Sidoo kalena waa in loo hoggaansamaa oo la fuliyaa wax kasta oo amar ah oo ka soo baxa guddida dhaqan ee beelaha Gadabuursi.6- Beelaha Gadabuursi waxa ay si cad u sheegayaan in dhammaan dhulweynaha uu ka kooban yahay gobolka Salal in aanay ka suurto gali karin wax la yidhaa Guban State oo ay dhawaan kooxo aan gobolka Salal u dhalan kaga dhawaaqeen magaaladda Xamar.7- Beelaha Gadabauursi waxa ay xukuumadda somaliland ugu baaqayaan in ay dalka ka joojiso kooxaha qaswadayaasha ah ee ka soo duulaya wadamada deriska ah. Maadaama kooxahaasi aanay ahayn kuwo u dhashay Somaliland, balse raba in ay burburiyaan nabadda somaliland.8- Beelaha Gadabuursi waxa ay si mug iyo miisan leh u garab taagan yihiin dowladnimada somaliland, maadama ay yihiin dadkii dhisay dowladnimada somaliland ee maanta la hadhsanayo.9- Guddidu waxa ay tacsi u diraysaa (2’dii) labadii marxuum ee safarka ahaa ee dhawaan jidgooyada loo galay ku naf waayay iyo dhammaan mujaahidiintii kale ee iyaguna u shahiiday difaaca dhulkooda. Waxan lee nahay Allaha u naxariisto dhammaantood.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*