Turkigu ma sii wadi doonaa dagaalka Al-Shabaab,mise wuxuu ku ekaanayaa difaaca saldhiggiisa Warsheekh
Haatufonline,January 29,2026
Ciidan ay leedahay dawladda Turkigu ayaa maalintii doraad markii ugu horaysay ka qaybgalay weerar dhulka ah oo ciidanka Somalia ku qaadeen maleeshiyada Alshabaab ee ku sugnayd deegaanka Jabad-godane ee ku yaala gobolka Shabeellaha Dhexe .Ciidanka Turkiga oo wata gaadiid militari oo gaashaaman iyo diyaaradaha drones-ka ayaa toos u galay dagaalka iyagoo garab siinaya ciidanka Somalia,waxaana lagu guulaystay in xoogagii Alshabaab laga saaro aagga Jabad-godane halkaas oo ay dhawaan ka qabsadeen ciidanka Somalia.
Dagaalkani wuxu dhacay ka dib markii ay maleeshiyada Alshabaab kusoo dhawaatay saldhiga cirbixinta gantaalaha(Ballistic missiles) iyo dayax-gacmeedyada (space satellites) ee Turkigu ku leeyahay aagga hoosyimaadda tuulada Warshiikh ee kaabiga ku haysa xeebta badwaynta Hindiya isla markaana 24 km dhinaca waqooyi bari kaga beeggan Jabad-godane. Malaha Salbabikhii ku dhacay Turkiga markii Alshabaab kusoo dhawaatay Warshiikh, waxay xitaa Somalia keenern sadex diyaaraadood oo F-16 ah.
Hadaba waxa isweydiin leh Turkigu ma sii wadi doona ka-qaybgalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab mise dadaalkiisu wuxu ku ekaan doonaa difaaca saldhigiisa Warshiikh?
Dawladda Turkiga ayaa kumanaan ciidan ah u tababartay Somalia waxaanay Muqdisho ku leeyihiin saldhig militari kii ugu waynaa ee uu Turkigu dalkooda dibaddiisa ku yeesho.Hasayeeshee ka-qaybqaadashada Turkiga ee la-dagaalanka Alshabaab ayaa ilaa hadda ahayd mid aad u kooban oo ku eekayd marmarka qaarkood oo ay diyaaradaha droonka ku garaacaan meelo ay ku suganyihiin maleeshiyo ka tirsan Alshabaab.Taas lafteeda ayaa dad rayid ahi usoo jeediyeen dhaliilo iyo cambaarayno kadib markii ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba lehi kasoo gaadhay dadkii ku noolaa deegaanada ay diyaaradaha drones-ka ee Turkigu duqeeyeen.
Tuulada Jabad-godane oo ilaa 50 km dhinaca waqooyi bari kaga beegan Muqdisho ayaa ku taala goob istraatiji ah oo isku xidha maleeshiyada Alshabaab ee ku kala sugan gobolada Galmudug,Hiiraa,Shabeellaha Dhexe iyo caasimadda Somalia. Sidaas darteed waxa suurto-gal ah in Alshabaab ay mar kale isku dayaan inay dib ugu soo laabtaan deegaanada ku xeeran Jabad-godane ee ku dhaw saldhigga Turkiga ee Warshiikh. Hadaba suaasha labaad waxa weeyaan maxaa Turkiga u qorshe ah ee uu kaga dabaalan doona khataraha saldhiggiisa Warkshiikh kaga iman kara dhinaca Alshabaab?
Leave a comment